Tababaraha Cusub Ee Barcelona Quique Setien Oo Haatanba Badalka Suarez Doortay, Horyaalka La Liga Dhexdiisa Ayuu Ka Helay.

Tababaraha Cusub ee kooxda Barcelona ee Quique Setien ayaa lagu soo waramayaa in uu maamulka kooxdiisa u sheegay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Girona ee Cristhian Stuani si ay ugu buuxiyaan booska Luis Suarez ee dhaawaca kaga maqnaan doona kooxda.

Quique Setien ayaa xalay si Rasmi ah loogu magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Barcelona isaga oo shaqada ka badalay tababare Ernesto Valverde kaas oo la caydhiyay.

Quique Setien ayaa intii uu wadahalada kula jiray Barcelona u sheegay in uu doonayo saxiixa Stuani si uu ugu buuxiyo booska uu ka dhaawacan yahay Luis Suarez.

Suarez ayaa muddo 4 bilood ah ka maqnaan doona garoomada isaga oo laga yaabo in uu gabi ahaan seego xilli ciyaareedkan marka loo eego halista dhaawaciisa iyo qaliinka lagu sameeyay.

Stuani ayaa lagu heli karaa kaliya 21 milyan oo euro waxana uu tababare Quique Setien u arkaa xiddig noqon kara xal wakhti dhaw ah inta ay kooxdu u dhaqaaqi doonto weeraryahan fiican.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*