Fernandes,Stones, Muller, Eriksen, Lemar, , & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa January kaas oo ay kooxaha reer yurub isku dayi doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdeeda ulana soo saxiixan lahaayeen xiddigo cusub oo ay ku xoojiyaan kooxdooda qayba dambe ee xilli ciyaareedka

Inkasta oo uu suuqa January yahay mid aad u adag oo ayna kooxaha waaweyn suuqa u galin si xoogan hadana waxa la filayaa in ay kooxo badan oo waaweyn xiddigo kala soo wareegaan suuqa January.

Suuqa January ayaa furnaan doona muddo bil ah iyada oo kooxaha reer yuurb dadaal dheeraad ah u gali doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxohooda.

Hadaba kooxda.com oo aad uga barateen wararka suuqa kala iibsiga xiisaha  leh ayaa maalin walba idiin soo gudbin doonta waxa ay wargaysyada adduunka ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararkan laakiin aan ka soo xiganaya wargaysyada ku hor xusan.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa isku diyaarinaya in uu dalab Amaah ah ka gudbiyo xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee John Stones (Sun).

Tababaraha Kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa doonaya in uu u dhaqaaqo midkood xiddigaha Krzysztof Piatek oo u ciyaara Ac Milan iyo Fernando Llorente oo u ciyaara kooxda Napoli iyo xiddiga Crystal Palace ee Christian Benteke si uu ugu xaliyo dhibaatada weerar (Independent).

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa isaga tagi kara kooxda Bayern Munich xilli ay Man United isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixiisa (Sun).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Tottenham ee Christian Eriksen ayaa qarka  saaran in uu ku biiro kooxda Inter Milan (Times).

Atletico Madrid ayaa diyaar u ah in ay Arsenal ka iibiso xiddiga Thomas Lemar inta lagu jiro bisha si ay badalkiisa u helaan xiddiga Alexandre Lacazette (Express).

Liverpool ayaa diiday dalab amaah ah oo ay Roma ka soo gudbisay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Xherdan Shaqiri (Star).

Kooxda Liverpool ayaa dalab 15 milyan ah ka gudbisay Goolhayaha kooxda Trabzonspor ee Ugurcan Cakir (Sabah).

Kooxda Man United ayaa gabi ahaan ka hadhay xiisaha ay bisha January ku doonayso saxiixa James Maddison maadama ay ku dhawyihiin saxiixa Bruno Fernandes laakiin waxa ay saxiixa James Maddison u dhaqaaqi doonaan xagaaga dambe (Express).

Dhaawaca Luis Suarez ayaa kooxdiisii hore ee Liverpool ka hor istaagay saxiixa xiddiga Ousmane Dembele (El Desmarque).

Donny van de Beek ayaa Albaabka U Furay in uu ku biiro Kooxda Man United si uu uga ciyaara Premier League (Express).

Kooxda Tottenham ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee kooxda Flamengo ee Gerson (O Globo).

Inter Milan ayaa ku kalsoon in ay dhamaystiri doonto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Olivier Giroud (Calciomercato).

Kooxda Inter Milan ayaa wali hogaaminaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Napoli ee Dries Mertens (Mediaset).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*