RASMI: Tottenham Oo Xaqiijisay Saxiixeedii 2-aad Ee January

Kooxda Tottenham ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Steven Bergwijn kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda reer Holland ee PSV.

Xiddiga reer Holladn ee Steven Bergwijn ayaa noqday saxiixii 2-aad ee ay kooxda Tottenham samayso intii lagu jiray suuqa January isaga oo qalinka ku duugay heshiis wakhti dheer ah.

Steven Bergwijn ayaa qainka ku duugay heshiis uu kooxda kula joogi doono ilaa xagaaga 2025 waxana uu kooxda u xidhan doonaa Lambarka No.23.

Xiddiga ayaa ku soo biiray Tottenham kadib markii uu ka mid noqday xiddigaha ugu fiican horyaalka Holland xilli ciyaareedkii horena kooxdiisa u dhaliyay 17 gool tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*