Solskjaer Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Marcus Rashford

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay dhaawacii soo gaadhay xiddiga ugu muhiimsan kooxda Man United xilli ciyaareedkan ee Marcus Rashford kulankii FA Cup-ka ee Wolves.

Man United ayaa 1/0 ku garaacday Wolves kulan ka dhacay Old Trafford iyada oo uu Juan Mata dhaliyay goolka guusha Red Devils.

Marcus Rasford ayaa badal ku soo galay ciyaarta daqiiqadii 63-aad waxana uu dhaawacmay daqiiqadii 77-aad isaga oo ciyaarta ka baxay daqiiqadii 79-aad.

Tabbabare Ole Gunnar Solskjaer oo la hadlaya wargayslka Manchester Evening News kadib ciyaarta ayaa yidhi:Waxa uu u muuqdaa mid ka dhaawacmay Dhabarka waxa uu mari doonaa baadhitaan labada maalin ee soo socota”.

“Waxa aan rajaynayaa in uu taam noqdo diyaarna u noqdo kulanka Liverpool laakiin haatan waxba kama ogi”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*