Shaw, Chilwell, Eriksen, Fernandes, Cavani & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa January kaas oo ay kooxaha reer yurub isku dayi doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdeeda ulana soo saxiixan lahaayeen xiddigo cusub oo ay ku xoojiyaan kooxdooda qayba dambe ee xilli ciyaareedka

Inkasta oo uu suuqa January yahay mid aad u adag oo ayna kooxaha waaweyn suuqa u galin si xoogan hadana waxa la filayaa in ay kooxo badan oo waaweyn xiddigo kala soo wareegaan suuqa January.

Suuqa January ayaa furnaan doona muddo bil ah iyada oo kooxaha reer yuurb dadaal dheeraad ah u gali doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxohooda.

Hadaba kooxda.com oo aad uga barateen wararka suuqa kala iibsiga xiisaha  leh ayaa maalin walba idiin soo gudbin doonta waxa ay wargaysyada adduunka ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararkan laakiin aan ka soo xiganaya wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Leicester City ayaa dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca kooxda Man United ee Luke Shaw kaas oo ay u doonayaan badalka Ben Chilwell kaas oo ku dhaw in uu ku biiro Chelsea (Mail).

Kooxda PSG ayaa Inter Milan kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Christian Eriksen (Mirror).

Kooxda Ac Milan ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Man United oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga khadka dhex ee Nemanja Matic (La Gazzetta dello Sport).

Kooxaha Chelsea iyo Inter Milan ayaa ka heshiiyay saxiixa weeraryahanka Olivier Giroud waxana uu xiddigu tijaabada caafimaadka u mari doonaa Inter Milan todobaadka dambe (Sky Sport).

Christian Eriksen ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda Inter Milan inta lagu jiro suuqa January ee bishan (Sky Sport).

Agaasimaha Kooxda Atletico Madrid ayaa u duulay Paris si uu u dhamaystiro saxiixa xiddiag Edison Cavani (Marca).

Alexandre Lacazette ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolyahay in uu ku biiro kooxda Atletico Madrid hadii ay dalab ka soo gudbiso (Sky Sport).

Man City ayaa meesha ka saartay in uu daafaca John Stones ku biiri doono Arsenal bishan (Manchester Evening News).

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaan ka tagi doonin Man City ilaa inta uu ka dhamaysanayo heshiiskiisa (Telegraph).

Man United ayaa bixin doonta lacag dhan 5 milyan oo euro hadii ay shaqada ka caydhiyeen tababare Ole Gunnar Solskjaer (Sun).

Kooxda Arsenal Ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ac Milan ee Franck Kessie (Metro).

Kooxda Man United ayaa qarka u saaran in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly (Mirror).

Kooxda Barcelona ayaa isaga baxday tartankii ay ugu jirtay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Dinamo Zagreb ee Dani Olmo (Mail).

Mino Raiola ayaa 4 kooxood u soo bandhigay saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Jsesse Lingard (Star).

Kooxda Chelsea ayaa aad u doonasa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Isco (Express).

Kooxda Liverpool ayaa iska diiday fursad ay ku heli karta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Aston Villa ee Jack Grealish (Express).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Uga Bixi Kartaa Biyo Baxa Deg-Dega Ah, 3 Talo Ayaan Kuu Haynaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*