Rikoodhka Guuldaro La’aanta Liverpool Ee Premier League Oo Khatar Ku Jira & Man United OO Sabab U Ah.

Man United ayaa u safri doonta Liverpool Axada si ay ula ciyaaraan kooxda Liverpool kulan ka tirsan todobaadkii 23-aad ee horyaalka premier League.

Liverpool ayaa haatan guuldaro la’aan ah horyaalka premier League muddo 38 kulan ah laakiin Man United ayaa rikoodhkaas khatar ku ah marka ay Isaga hor imanayaan Axada.

Kooxda Man United ayaa horay u soo afjartay rikoodhada goolaha ee Arsenal iyo Chelsea waxana ay haatan isha ku haysaa in ay Liverpool ka dhigto kooxdii 3-aad ee ay jabiso rikoodhka guulaha xidhdiidhka ah premier league.

Kooxda Liverpool ayaa gaadhay 38 guul oo premier League ah taas oo ka bilaabatay kulan ay garaaceen kooxda Brighton ku dhawaad 12 bilood ka hor.

Laakiin rikoodhkaas ayaa khatar ugu jira Man United kulanka Anfield ka dhici doona inkasta oo ay kooxda Jurgen Klopp ugu cad-cadahay in ay gaadho guul kulankaas.

Kooxda Chelsea ayaa 40 kulan guuldaro la’aan ahayd horyaalka premier Legue intii u dhexaysay 2004 ilaa 2005 markaas oo uu kooxda hogaaminayay tababare Jose Mourinho.

Dhanka kale Arsenal ayaa gaadhay 49 kulan guuldar la’aan ahayd horyaalka intii u dhexaysay xilli ciyaareedkii 2003/2004 ee ay Arsenal guuldaro La’aanta ku qaaday horyaalka ilaa October 2004.

Man United ayaa 2/0 ku garaacday Arsenal iyada oo ay goolasha u dhaliyeen xiddigaha Ruud van Nistelrooy iyo Wayne ooney kaas oo daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta dilay.

Dhanka kale Red Devils ayaa 1/0 ku garaacday chelsea kuwaas oo soo afjaray 40 kulan oo guuldaro la’aan ahayd kadib markii uu xiddiga Darren Flecther gool madax ah dhaliyay.

Kadib labadaas guulood ee taariikhiga ah United ayaa mar kale isha ku haysa in ay soo gaba-gabayso guulaha xidhiidhka ah ee Liverpool.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Uga Bixi Kartaa Biyo Baxa Deg-Dega Ah, 3 Talo Ayaan Kuu Haynaa.

6 Comments

  1. hadii ba ay jirto koox soo af jari karta score kaas waa man utd ama man city mid kood sababta oo ah man city na waa naadi awood u leh man utd waa koox ay xifaaltan xun uu ka dhaxeeyo oo mar walba kula mada caynkan ah uma sahlana labada kooxood ba

  2. hadii ba ay jirto koox soo af jari karta score kaas waa man utd ama man city sababta oo ah man city na waa naadi awood u leh man utd na waa naadi xifaaltan xun uu ka dhaxeeyo oo mar walba kula mada caynkan ah labada kooxood ba uma sahlana

  3. Taageernimada iyo wariyanimada kala saara hadane Baqti United o waliba Anfield joogto miyaa Liverpool waa uga badineysa meesha la imaateyn hadiiba Liverpool guul daro soo gareyso waa kulamada Wolverhampton, Man City Ama Arsenal xitaa macquul Everton lakiin Baqti United maya ileyn meesho waa Anfield

  4. Asxpata Man utd aya jirtaa wa big team o dwro lagisay Liverpool eee maxey kahat lahayan waxan jirin ee maxa maxadacy man utd big team weyan asxbey
    Man utd wa best team weyan maxa dacay walagarani iney team gihin otherwise good iyo wan nokulanka Ahada
    Byyyyyyyyyy see u guys 🧟

  5. Liverpool waa laga badin karaa wuxu was karaa in kastoo garoonkooda Ku ciyaarayaan anigu labada koox midna mataageero lakiin Liverpool garoonkeeda wey Ku xoogan tahy taas naadi walba leg sida garoonka Barcelona we camp nou

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*