Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Eden Hazard Ka Hor Kulanka Sevilla.

Kooxda Real Madrid ayaa war fiican ka heshay xaalada xiddiga Eden Hazard kaas oo maanta lagu arkay tababarka kooxda Real Madrid isugu diyaarinayso kulanka Sevilla ee sabtida dambe.

Kooxda Real Madrid ayaa markii 2-aad tababar qaadatay todobaadkan iyaga oo isku diyaarinaya kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan kooxda Sevilla kana tirsan horyaalka La Liga.

Hazard ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda Real Madrid kadib muddo 2 bilood ah oo uu ka maqnaa kooxdiisa kadib dhaawac soo gaadhay kulankii PSG ee champions League.

Xiddiga reer Belguim ayaa bilaabay tababarka orodka isaga oo la filayo in uu ka soo muuqdo tababarka buuxa ee kooxda wakhtiga soo socda.

Waxa sidoo kale soo laabtay xiddiga Asensio kaas oo laftiisa muddo dheer dhaawac kaga maqnaa kooxda Real Madrid.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Uga Bixi Kartaa Biyo Baxa Deg-Dega Ah, 3 Talo Ayaan Kuu Haynaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*