Real Madrid Oo Lagu Soo Waramayo In Ay Ajax Kala Heshiisay Saxiixa Donny van de Beek, Goorma Ayuu Dhamaystirayaa Ku Biiristiisa Los Blancos

Wararka ka imanaya dalka Holland ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek kala heshiisay kooxda Ajax.

Donny van de Beek ayaa lala xidhiidhinayay Real Madrid ilaa xagaagii hore iyada oo ay kooxdu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga 22 jirka ah laakiin ay dib ugu dhigatay u dhaqaaqistiisa sanadka 2020.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay Donny van de Beek hesho xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore.

Wargayska reer Holand ee Telegraaf ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid dhigeeda Ajax kala heshiisay saxiixa xiddiga reer Holland kaas oo ku soo biiro doona Real dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Van De Beek Noqon doono saxiixa ugu horeeya ee Real madrid ee xagaaga dambe iyaga oo ka bixin doona lacag dhan 55 milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*