Real Madrid Oo Iska Xaadirisay Wareegga 8-da Ee Cope Del Rey , Zaragoza Ayay Xasuuqeen

Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareegga 8-da ee Cope Del Rey ka dib markii afar gool ay ku xasuuqeen kooxda Real Zaragoza oo ay marti ugu ahaayeen kulan wareegga 16-ka

Qeybtii hore waxaa lagu nastay laba gool oo ay kala dhaliyeen Varane iyo Lucas Vazquez , waxa ayna kooxda martida qeybtii hore ku jireen daafac waana adkeyd in kubadda si sax ah u gaarsiyaan aagga Real Madrid.

Qeybta koowaad Real waxa ay soo  bandhigeen kubad isu dheeli tiran , waxaana kulankaan aad u dhaq dhaqaayay Kros

Qeybta labaad , Real Zaragoza waa ay soo wacnaadeen waxa ayna dagaal ugu jireen in goolka bar bar dhaca keenaan balse daafac Real Madrid ayaa hor taagnaa .

Dagaalka labada koox waxa uu ka taagnaa qadka dhexe waxa ayna Real Madrid dhamadkii heleen laba goo kale oo kala yimid daqiiqadihii 72-aad iyo 80 aad waxaana kala saxiixay Vinicius Junior iyo benzema oo badal kulankaas ku soo galay daqiiqadii 73-aad xilligaas oo loo saaray Luka Jovic .

Real aad ayay u wacnaayeen kulankaan waliba kubad awood leh ayay soo bandhigeen xilli dhamaadka uu fursado badan uu ka bad baadiyay goolhayaha Real Zaragoza

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*