RASMI: Tottenham Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horaysay Ee Suuqa January.

Kooxda Tottenham ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Gedson Fernandes kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Benfica.

Tottenham ayaa Gedson Fernandes ka saxiixatay heshiis 2 sano oo amaah ah ka hor inta ayna si toos ah ugula wareegin marka uu dhamaysto heshiiskiisa.

Gedson Fernandes ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Tottenham bishan iyaga oo heshiiskiisa ku garaacay kooxaha West Ham iyo Chelsea kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga.

“Waa riyo weyn oo run ii noqotay, Waxa aan Imid koox weyn”ayuu Gedson Fernandes sheegay markii lagu dhawaaqay heshiiskiisa.

Gedson Fernandes ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee uu Jose Mourinho sameeyo tan ilaa markii uu noqday tababaraha cusub ee kooxda Tottenham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*