RASMI: PSG Oo Albaabka Ka Xidhatay Real Madrid & Juventus, Xiddig Lala Xidhiidhinayo Ayay Heshiis Cusub Ka Saxiixdeen.

Kooxda PSG ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixdeen xiddiga daafaca uga ciyaara ee Marquinhos iyaga oo Albaabka ka xidhay kooxaha ay ugu horeeyaan Juventus & Real Madrid kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga.

Marquinhos ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku sii daray heshiiskii hore ee uu kula jiray kooxda reer France.

Heshiiska Marquinhos ee kooxda Juventus ayaa ku ekaa sanadka 2022 laakiin waxa uu haatan saxiixay heshiis 2 sano ah taas oo uu ku sii joogi doono kooxda PSG ilaa xagaaga 2024.

Marquinhos ayaa kooxda PSG k soo biiray sanadkii 2013 isaga oo kaga soo biiray kooxda Corinthians isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu guulaha badan kooxdiisa PSG.

Xiddiga reer Brazil ayaa PSG u ciyaaray 270 kulan isaga oo dhaliyay 20 gool isaga oo caawiye ka noqday 7 kale waxana uu kula guulaystay kooxda 19 koob.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*