RASMI: Isku Aadka Wareega 32-ka Copa del Rey Oo La Soo Saaray, Real Madrid & Barcelona Oo Ogaaday Kooxda Ay La Ciyaari Doonaan.

Waxa si Rasmi ah loo soo saaray isku aadka wareega 3-aad ee tartanka Copa del Rey iyada oo ay ka qayb qaadan doonaan 32 kooxood kuwaas oo ku dagaalami doona u gudbista wareega xiga.

Kooxihii ka qayb galay tartanka Spanish Super Cup-ka ee Real Madrid, Atletico Madrid, FC Barcelona & Valencia ayaa dhamaantood ku biiri doona 28 kooxood ee kale ee tartanka ku jira iyada oo kaliya 3 kooxood kaga jiraan kooxaha heerka 3-aad ee Spain.

Tartanka ayaa xilli ciyaareedkan loo ciyaari doonaa qaab cusub oo hal kulan ah iyada oo laga badalay qaabkii hore ee labada lugood la ciyaarayay tartanka.

kulamada ugu horeeya ee tartanka ayaa la ciyaari doonaa 21, 22 iyo 23 bishan January iyada oo wareega xiga la ciyaari doona todobaad kadib.

Kooxaha waaweyn ee Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa dhamaantood marti u noqon doona kooxaha ay ku aadeen wareegan

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Isku Aadka Oo dhamaystiran:

Ibiza vs Barcelona
Logroñes vs Valencia
Cultural Leonesa vs Atlético Madrid
Unionistas Salamanca vs Real Madrid
Ebro vs Leganés
Badajoz vs Eibar
Badalona vs Granada
Receativo Huelva vs Osasuna
Rayo Vallecano vs Real Betis
Mirandés vs Celta Vigo
Tenerife vs Real Valladolid
Girona vs Villarreal
Elche vs Athletic Bilbao
Real Zaragoza vs Real Mallorca
Sevilla vs Levante
Real Sociedad vs Espanyol

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*