RASMI: Arsenal Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxixia Pablo Mari

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Pablo Mari kaas oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal suuqa Janury.

Arsenal ayaa Mari kula soo wareegtay heshiis 6 bilood ah ka hor inta ayna si toos ah ugula wareegin dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

Mari ayaa noqday bartilmaameedka ugu weyn ee Arteta kaas oo uu doonayay in uu ku xoojiyo daafaciisa qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan kadib dhaawacyadii soo gaadhay xiddigo daafaca uga ciyaara kooxdiisa.

Kooxda Flamengo ayaa dhankeeda macasaalamaysay daafaca reer Spain iyaga oo uga mahad celiyay sanadihii uu la soo qaatay

“Waxa la gaadhay wakhtigii aan Macasalaamayn lahayn daafac Yimid Flamengo waliba isku qoray taariikhda kooxda kuna guulaystay koobka Conmebol Libertadores & Horyaalka Brazil”ayay qoreen.

“Pablo Mari, Waad ku mahadsantahay wax walba oo aad noo qabatay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*