Muxuu Bruno Fernandes U Sheegay Kooxdiisa Sporting Lisbon Kadib Markii Ay Man United Dalab Ka Gudbisay Saxiixiisa?.

Xiddiga Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxdiisa Sporting Lisbon u sheegay in uu doonayo in uu k biiro kooxda Man United inta lagu jiro bishan January kadib markii ay Red Devils dalab 50 milyan ah ka gudbisay xiddiga.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa diiday in uu isaga hadho xiddiga kadib markii uu xagaagii hore waayay saxiixiisa waxana uu daawaday xiddiga 25 jirka ah oo laba gool dhaliyay kulankii sabtidii.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu Bruno Fernandes kooxdiisa u sheegay in uu doonayo ku biirista kooxda Man United inta lagu jiro suuqa Jnauary ee bishan.

Laakiin xiddiga reer Portugal ayaa sheegay in uuna kooxdiisa ku qasbi doonin in ay iibiso kaliya doonayo in uu kooxda ka tagi doono hadii ay ogolaato arintaas.

Fernandes ayaa xidhiidh fiican la leh kooxda Sporting Tan ilaa markii uu 2017-kii kaga soo biiray kooxda Sampdoria waxana uu diyaar u yahay in uu sharfo kooxdiisa una ciyaaro kooxda hadii ay diido in ay iibiyaan bishan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*