Mudada Uu Sergio Ramos Ka Maqnaan Karo Garoomada Oo La Ogaaday Kadib Dhaawac Ka Soo Gaadhay Kulankii Atletico Madrid.

Sergio Ramos ayaa lagu soo waramayaa in uu garoomada ka maqnaan doono muddo 15 maalmood ah kadib markii uu dhaawac kuraanta ah ka soo gaadhay Finalkii tartanka Spanish Super Cup-ka ay ka qaadeen kooxda Atletico Madrid.

Ramos ayaa dhaawac ku dhamaystay finalkii Spanish Super Cup-ka isaga oo xitaa dhaliyay goolkii ay Atletico Madrid ku qaaday Koobka Kadib markii ay labada kooxood rikoodhayaal isla gaadheen labada kooxood.

Ramos ayaa dhaawacmay daqiiqadii 61-aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta laakiin xiddiga ayaa doorbiday in uu sii wato ciyaarta isaga oo dhaawac kuraanta ah ku dhamaystay ciyaarta.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu Ramos kooxdiisa ka maqnaan doona garoonka muddo 15 maalmood ah isaga oo seegi doona 2 kulan oo horyaalka ah iyo waliba hal kulan oo Copa Del Rey-ga ah.

Kulanka Sevilla ee todobaadka dambe ayaa noqon doona kulanka ugu horeeya ee 3-da kulan ee uu Ramos seegi doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*