Mohamed Salah Oo Looga Digay In Uu Ku Biiro Real Madrid & Barcelona, Maxay Tahay Sababtu?

Xiddigii hore ee xulka qaranka Masar ee Ahmed Magdy ayaa xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah uga digay in uu Liverpool kaga biiro kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona.

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa jooga sanadkii 3-aad ee kooxda Liverpool tan ilaa markii uu xagaagii 2017 kaga soo biiray kooxd Roma.

Salah ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Liverpool isaga oo soo jiitay indhaha kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub.

Mohamed Salah ayaa Liverpool kula guulaystay 3 koob sanadka 2019 isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa soo jiitay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kuwaas oo lala xidhiidhinayay saxiixiisa muddo dheer inkasta oo ayna wax dalab ah ka gudbin.

Laakiin Ahmed Magdy ayaa salah uga diay in uu Liverpool ka tago kuna biiro kooxaha ka ciyaara horyaalka La Liga ee Real Madrid iyo Barcelona.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Salah waa in uu sii joogo Liverpool oo uuna ka tagin xitaa hadii uu dalab ka helo Real Madrid iyo Barcelona”.

“Liverpool haatan waxa uu ka yahay xiddiga ugu fiicna waana koox isaga u fiican laakiin marna kama faa,iidayo Real Madrid iyo Barcelona”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*