Mikel Arteta Oo Meel Saaray Mustaqbalka Shkodran Mustafi

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in uu daafaca Shkodran Mustafi ka mid yahay qorshihiisa xilli ciyaareedkan taas oo meesha ka saaraysa in uu xididgu ka tagayo kooxda inta lagu jiro bishan January.

Xiddiga reer Germany ayaa u muuqday mid ka tagaya kooxda Arsenal xagaagii hore sidoo kale bilowgii bisha January kadib markii uu Emery u sheegay in uuna ka mid ahayn qorshihiisa.

Laakiin marka loo eego uu kaliya hal kulan oo premier League ku bilowday xilli ciyaareedan, tababare Arteta ayaa haatan fursad cusub siin doona xiddiga sabab la xidhiidha dhaawacyada badan ee haysta kooxda dhanka daafaca.

Shkodran Mustafi ayaa lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Arsenal waxana Arteta la waydiiyay in uu xiddigu isaga tagayo kooxda waxana uu ku jawaabay”Kama Maarano”.

“Suurtagalnimadaas waa “Maya”.

“Hadii ay dhacdo oo uu tago waxa aan ku qasbanaanaynaa in aan suuqa galno sidaas darteed waxa uu ka mid yahay qorshahayga”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*