Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Wararka Arsenal La Xidhiidhinaya John Stones.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee John Stones.

Kooxda Arsenal ayaa si lama filaan ah loola xidhiidhinayay saxiixa daafaca reer England maalmihii ugu dambeeyay xilli ay Arsenal suuqa Ugu jirto daafac cusub oo ay ku xoojiso kooxda.

Laakiin Arteta ayaa xaqiijiyay in ayna kooxdiisu wax xiiso ah u qabin saxiixa daafaca John Stones mustaqbalka dhaw.

Arteta oo ka hadlaya wararka Stones la xidhiidhinaya Arsenal ayaa yidhi”Wax xaqiiqo ah kama jiraan waxa laga sheegayo xiisaha John Stones”.

“Stones waa xiddig cajiib ah waanan jecelahay, waxana uu leeyahay sifooyin badan oo aan ku jecelahay laakiin ma doonayo in aan la soo saxiixano”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Uga Bixi Kartaa Biyo Baxa Deg-Dega Ah, 3 Talo Ayaan Kuu Haynaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*