Mikel Arteta Oo Durba Weerar Suuqa Ah Ku Qaadaya Man City, Xiddig Ayuu Ka Arkooday Kooxdiisii Hore.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa weerar suuqa ah ku qaadaya kooxdii hore isaga oo ka doonaya xiddiga daafaca ka ciyaara ee John Stones sida ay sheegayaan wararku.

Tababbare Mikel Arteta ayaa doonaya in uu daafaciisa xaliyo inta lagu jiro suuqa bishan waxana uu Stones u calaamadsaday xiddiga uu ku xoojiyo.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer England ee Stones kaas oo aan si joogto ah ugu ciyaarin Arsenal.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Arteta ka war qabo tayada xiddiga maadama uu ka soo garab shaqeeeyay intii uu caawiyaha ka ahaa kooxda Man City.

Stones ayaa xidhiidh fiican la leh Artete waxana uu ku dhibaatoonayaa kooxda Man City oo uuna haatan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Pep Guardiola.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*