Mertens, Lacazette, Aubameyang, Fernandes, Willian & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa January kaas oo ay kooxaha reer yurub isku dayi doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdeeda ulana soo saxiixan lahaayeen xiddigo cusub oo ay ku xoojiyaan kooxdooda qayba dambe ee xilli ciyaareedka

Inkasta oo uu suuqa January yahay mid aad u adag oo ayna kooxaha waaweyn suuqa u galin si xoogan hadana waxa la filayaa in ay kooxo badan oo waaweyn xiddigo kala soo wareegaan suuqa January.

Suuqa January ayaa furnaan doona muddo bil ah iyada oo kooxaha reer yuurb dadaal dheeraad ah u gali doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxohooda.

Hadaba kooxda.com oo aad uga barateen wararka suuqa kala iibsiga xiisaha  leh ayaa maalin walba idiin soo gudbin doonta waxa ay wargaysyada adduunka ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararkan laakiin aan ka soo xiganaya wargaysyada ku hor xusan.

Man United ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo todobaadkii qaadan doona lacag dhan 150 kun oo Gini todobaadkii (Telegraph).

Kooxda Arsenal ayaa 3 ilaa 4 xiddig heshiis amaah ah kula soo saxiixan doonta inta lagu jiro suuqa January waxana hogaaminaya xiddiga kooxda PSG ee Layvin Kurzawa (Athletic).

Kooxda Chelsea ayaa ogolaatay in ay iska iibiso xiddiga garabka uga ciyaara kooxdeeda ee Willian inta lagu jiro suuqa January (Express).

Kooxda Tottenham ayaa si lama filaan ah wadahadalo ula frtay kooxda Man City ee Joao Cancelo kaas oo uu Jose Mourinho u doonayo in uu ku xoojiyo kooxda (El Desmarque).

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah ula xidhiidhay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brescia ee Sandro Tonali (Corriere dello Sport).

Edison Cavani ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday ku biirista kooxda Tottenham xilli uu u furan yahay in uu ku biiro premier League (Cadena Ser).

Wakiilka xiddiga Edinson Cavani ayaa Man United u soo bandhigay saxiixa xiddiga in ay ku helaan si xor ah xagaaga (Sportsmole).

Xavi ayaa xaqiijiyay in uu iska diiday in uu tababare u noqdo kooxda Barcelona sabab la xidhiidha in ayna ahayn wakhti munaasib ku ah in uu qabto shaqadaas (Marca).

Kooxda Inter Milan oo maalmaha soo socda dhamaystiri doonta saxiixa xiddigaha Christian Eriksen & Olivier Giroud (Gazzetta dello Sport).

Xiddiga Timo Werner ayaa rajo siiyay kooxaha Man United, Chelsea iyo Liverpool kadib markii uu qirtay in uu doonayo in uu ka ciyaaro premier League (Bild).

Kooxda Ac Milan ayaa si lama filaan ah isugu diyaarinaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara ee Hictor Bellerin oo ay ku doonayaan heshiis amaah ah (Calciomercato).

Kooxda Ac Milan ayaa sidoo kale si lama filaan ah qarka ugu saaran in ay dhamaystirto heshiiska xiddiga kooxda Danimo Zagreb (Sportske Novosti).

Kooxda Arsenal ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Dries Mertens (Sky Sport)

Kooxda Arsenal ayaa loo sheegay in ay iska iibiyaan xiddigaha Alexandre Lacazette & Pierre-Emerick Aubameyang hadii ayna heshiis cusub u saxiixin kooxda (Express).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Uga Bixi Kartaa Biyo Baxa Deg-Dega Ah, 3 Talo Ayaan Kuu Haynaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*