Maxay Ahady Wixii Uu Rashford U Sheegay Solskjaer Markii Uu Dhaawaca Uga Baxay Kulankii Wolves?

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay kooxda Man United guusha ka gaadhay kooxda Wolves kana tirsnaaa kulan ku celis ahaa oo FA Cup-ka ah.

Marcus Rasford ayaa badal ku soo galay ciyaarta daqiiqadii 63-aad waxana uu dhaawacmay daqiiqadii 77-aad isaga oo ciyaarta ka baxay daqiiqadii 79-aad.

Xiddiga reer England ayaa ka dhaawacmay dhabarka sida uu xaqiijiyay tababare Ole Gunnar Solskjaer Kadib dhamaadkii ciyaarta inkasta oo la sugi doono baadhitaan dheeraad ah.

Wargayska Manchester Evening News ayaa shaaca ka qaaday wixii uu xiddigu ku yidhi tababaraha kadib markii uu dhaawaca uga baxay kulankii FA Cup-ka ahaa ee Wolves.

Wargayska ayaa sheegaya in uuna Marcus Doonayn in uu gabi ahaan ciyaaro kulanka sabab la xidhiidha in uu ka cababnayay dhaawacyo yar-yar oo lafaha ah wakhtigii ugu dambeeyay isaga oo xitaa isticmaalayay qalab daaweeya lafaha.

Kadib markii uu dhaawacmay ayuu Marcus Rashford ku yidhi tababaraha”In Aan Ciyaaro Ma ahayn.. In Aan Ciyaaro Ma Ahayn”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*