Man City Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Arsenal Ee John Stones.

Kooxda Man City ayaa Arsenal u sheegtay in ayna waxba wakhtiga isaga lumin baacsiga ay ugu jirto saxiixa daafaca John Stones iyaga oo u sheegay in ay diidi doonaan dalab Walba oo ay Miiska saarto John Stones maadama ayna wax niyad ah u hayn in ay iibiyaan xiddiga.

John Stones oo 25 jir ah ay Man City kaga soo biiray Everton sanadkii 2015 waxana uu kooxda kula guulaystay 2 premier League tan ilaa markii uu kooxda yimid.

Bixitaankii Vincent Kompany iyo dhaawaca Aymeric Lamprte ayaa la filayay in ay John Stones u noqoto fursad uu isku muujiyo laakiin xiddiga ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda.

John Stones Ayaa ciyaaray kaliya 10 kulan oo premier League ah xilli ciyaareedkan waxana uu aad u doonayaa in uu isaga tago kooxda si uu u badbaadiyo fursadihiisa xulka qaranka England ee Euro 2020.

Waxa saacadiii ugu dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in ay Arsenal xiiso u muujisay xiddiga John Stones xilli uu xiddiga laftiisu diyaar u yahay in uu ku biiro Arsenal hadii ay tahay amaah ama heshiis toos ah.

Laakiin wargayska Metro ayaa sheegaya in ayna Man City wax niyad ah u hayn in ay iibiso John Stones una ogolaan doonin in uu isaga tago kooxda bishan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*