Liverpool Oo Si Deg-Deg Ah Uga Jawaabtay Dalab Looga Doonayay Xherdan Shaqiri

Tabaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa diiday in uu iibiyo xiddiga garabka ka ciyaara ee Xherdan Shaqiri kadib markii ay kooxda Roma dalab Rasmi ah ka soo gudbisay xiddiga reer Switzerland si ay u helaan saxiixiisa inta lagu jiro bishan.

28 jirkan ayaa kayd ka ah kooxda Liverpool laakiin Klopp ayaan doonayn in uu iska iibiyo xiddiga maadama ay Reds 3 koob u tartamayso xilli ciyaareedkan.

Shaqiri ayaa 10 kulan us aftay Liverpool tartamad aoo dhan xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay kaliya 1 gool.

Xiddiga ayay dhaawacyo u diideen in uu u ciyaara kulamo badan kooxdiisa isaga oo kaliya hal kulan 90-ka daqiiqo dhamaystirtay xilli ciyaareedkan.

Khabiirka reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay Roma heshiis amaah ah ku doonayso Shaqiri inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Laakiin Liverpool ayaa si deg-deg ah u diiday dalabkaas iyaga oo u sheegay in uuna xiddigu iib ahayn inta lagu jiro bishan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*