Liverpool Oo Rikoodhkeeda Suuqa U Jabinaysa Xiddig Ay Klopp Kaga Dhagantahay, Goorma Ayay U Dhaqaaqayaan?

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay la xidhiidhay wakiilada xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen ee Kai Havertz.

Kadib markii uu ka mid noqday xiddigaha ugu fiican kooxda reer Germany xilli uu jiro 20 sano oo kaliya Kai Havertz ayaa xiiso ka soo jiitay kooxo badan oo reer yurub ah waliba kuwa ugu waaweyn.

Kooxda Man United, Bayern Munich, Barcelona iyo Real madrid ayaa dhamaantood isku diyaarinaya in ay dalab ka gudbiyaan saxiixa xiddiga xagaaga dambe.

Si kasta ha ahaatee wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool haatanba xidhiidh la samaysay wakiilada xiddiga reer Germany.

Warka ayaa intaas ku daraya in ay hogaamiyayaasha horyaalka premier League diyaar u yihiin in ay bixiyaan lacag dhan 107 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*