Liverpool Oo Garaacday West Ham 19 Dhibcoodna Ku Qabatay Hogaanka Horyaalka

Kooxda Liverpool ayaa sii wadatay tareenkooda guulaha ee horyaalka premier League kadib markii ay dhaafeen kooxda West Ham kulan baaqi uga ahaa todobaadkii 18-aad ee horyaalka.

Reds ayaa haatan 19 dhibcood ka horaysa kooxda kaalinta 2-aad ku jirta ee Man City iyaga oo haatanba hal gacan ku sii qabsaday koobka horyaalka premier League.

kooxda Liverpool aya ku bilaabatay ciyaarta si dagan iyaga oo aan ku deg-dagyn in ay goolal dhaliyaan xilli ay Kaliya si fiican u maamulayeen ciyaarta.

Liverpool ayaa heshay fursado yar-yar oo aan aad u badnayn oo ay ku doonayeen goolal laakiin fursadahaas ayayna wax gool ah ka iman.

Daqiiqadii 35-aad ayay Liverpool heshay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo gool ka dhaliyay rikoodhe lagu galay xiddiga Origi.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ku hogaaminayso dhanka dhanka natiijada iyo waliba dhanka qaab ciyaareedka.

Qaybtii dambe ayay West Ham si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo helay fursado fiican oo ay goolal ku dhalin karaan iyaga oo uu Goolhayaha Alisson badbaadiyay.

Daqiiqadii 52-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alex Oxlade-Chamberlain kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Reds ku hogaaminayso kulanka.

Kooxda Liverpool ayaa heshay fursado dhawr ah oo ay ku dheeraysan kartay hogaanka laakiin wax goolal ah kama dhalin.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Liverpool 19 dhibcood oo cadaan ah ku qabatay horyaalka premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*