Jurgen Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Matip, Lovren Iyo Fabinho Ka Hor Kulanka Man United.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen ayaa dareenkiisa u jeediyay kulanka xiga ee kooxdiisa premier league isaga oo filaya in ay kooxdiisu ugu dambayn u dhamaystiranto.

Reds ayaa marti galinaysa Man United Axada kulan ay doonayaan in ay sii wataan guulaha kuna sii dhawaadaan ku guulaysiga horyaalka premier Legaue.

Klopp ayaa todobaadkan oo dhan u Isticmaalaya u diyaar garawga kulanka isaga oo war fiican ka helay taam ahaanshaha xiddigaha Joel Matip, Fabinho & Dejan Lovren kuwaas oo ka qayb qaadan doona tababarka isku diyaarinta Man United.

“Waxa aan sugi doonaa inta ay si buuxda taam u noqon doonaan waliba la ii sheego in ay ka qayb qaadan karaan tababarka buuxa”ayuu Klopp u sheegay Liverpoolfc.com

“Waxa ay u muuqataa in uu Joel Matip ka qayb qaadan doono tababarka, Waxa ay u muuqataa in uu sidoo kaleĀ  Fabinho ka qayb qaadan doono, laakiin ma hubo Lovren waxa laga yaabaa in uu isna ka qayb qaato tababarka”.

“Taas ayaa la macno ah in aan heli doono caawin aad u weyn wakhtiga soo socda laakiin waxa aan eegi doonaa sida ay u tababartaan todobaadkan muhiimka noo ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*