Juna Mata Oo Man United Ku Hogaamiyay Wareega 4-aad Ee FA Cup-ka Wolves Ayay Ka Talaabsadeen Kulan Ku Celis Ahaa

Kooxda Man United ayaa iska xaadirisay wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka kulan ka dhacay Old Traffrod kadib markii ay garaaceen kooxda Wolves kulan ku celis ahaa oo ay labada kooxood wada ciyaareen.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Man United maamulaysay laakiin ay Wolves dhanka fursadaha ku fiicnayd qaybtii hore ee ciyaarta iyaga oo sameeyay fursado fiican.

Kooxda Wolves ayaa xitaa dhalisay gool laakiin VAR Ayaa ka diiday kadib markii ay xiddigii baaska dhiibay gacanta kaga dhacday waxana sidaas looga diiday gool.

Labada Goolhaye ee labad kooxood ayaa sameeyay badbaadino cajiib ah iyaga oo diiday goolal cadaan ahaa iyo waliba fursado si weyn loo filayay in ay dhashaan.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la,aan ah iyada oo kooxda Wolves dhanka fursadaha ka fiicnayd United laakiin Red Devils maamulaysay ciyaarta.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Man United ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo ka awood badnaa kooxda Wolves iyaga oo raadinayay in ay dhaliyaan gool ay ciyaarta wax kaga badalaan.

Daqiiqadii 67-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Juan Mata kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Wolves ayaa samaysay fursado ay ku raadinayeen goolka bar-baraha laakiin Red Devils ayaa si fiican u difaacatay iyaga oo ka hor istaagay in ay dhaliyaan wax goolal ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United gaadhay guul muhiim ah iskana xaadirisay wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Uga Bixi Kartaa Biyo Baxa Deg-Dega Ah, 3 Talo Ayaan Kuu Haynaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*