Inter Oo Balansatay Napoli Ka Dib Guul Ay Ka Gaareen Fiorentina , Semi Finalka Cope Italia Ayay Iska Xaadiriyeen

Inter Milan ayaa iska xaadirsiay semi finalka Cope Italy ka markii 2/1 ay uga taqaluseen Fiorentina waxa ayna haatan balansdeen Napoli

Guul ay mudnaayeen ayay gaareen ,waxa ayna Inter maamushay ciyaarta qeybtii hore oo ay soo bandhigeen kubad taatiko leh halka Fiorentina ku tiirsanaayeen kaliya kubadaha rogaal celiska ah .

Fiorentina kubad daafac leh ayay ciyaareysay balse Inter waa diideen arintaas illaa ay keeneen goolka koowaad daqiiqaddii 44-aad waxaana dhaliyay Antonio Candreva.

Qeybta labaad , Inter fursado badan ayay heleyeen waxaana goolkaa bar bar dhac lagu keenay daqiiqaddii 60-aad balse ma aysan sugin waqti badan ilaa gool labaad keeneen Inter waxaana daqiiqaddii 67-aad dhaliyay Nicolò Barella

Fiorentian gud ahaan kulankaan maqane jooge ayay ka aheeyn dhanka weerarka waxaana loogu dhameeyay 2/1

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*