Hordhac: Man United Vs Wolves: Red Devils Oo Markii Ugu Horaysay 7 Sano Kadib Kulan Ku Celis Ah Ciyaaraysa FA Cup-ka.

Man United ayaa marti galinaysa kooxda Wolves kulan ka tirsan FA Cup-ka ah oo ku celis ah kadib markii ay labada kooxood bar-baro galeen kulankii lugta hore ee tartanka.

Man United oo isha ku haysa kulanka Liverpool ee Axada ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo is badal ku samayn doona shaxda iyaga oo nasin doona xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Dhanka kale Wolves oo rikoodh cajiib ah ku leh United kulamadii ugu dambeeyay ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya in ay United ka reebaan tartanka iskana xaadiriyaan wareega xiga.

Kulanka: Man United Vs Wolves

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 10:45

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man United ayaa guul la’aan ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Wolves tartamada oo dhan tan ilaa markii ay 5/0 uga badiyeen bishii March 2012 kulan premier League ahaa.

Wolve ayaa bilaa guul ah 10-kii kulan ee xidhiidhka ahaa ee ay booqdeen Old Trafford tan ilaa markii ay 1/0 kaga badiyeen United sanadkii 1980.

Man United ayaa kulan ku celis ah oo wareega 3-aad ee FA Cup-ka ah ciyaartay markii ugu horaysay tan ilaa 2012/2013 markaas oo ay reebeen kooxda West Ham kadib kulankii 2-aad oo ka dhacay Old Trafford.

Wolves ayaa laga badiyay 9 ka mid ah 10-kii kulan ee hore ee ay kulan ku celsi ah ciyaareen wareega 3-aad ee FA Cup-ka iyaga oo kulanka kaliya ka badiyay kooxda Oldham sanadkii 2007.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*