Heshiiskii Uu Bruno Fernande Ugu Biirayay Man United OO Hakad Galay & Marcos Rojo Oo Sabab U Ah

Heshiiskii ay Man United ku doonaysay saxiixa Bruno Fernande ayaa hakad galay sabab la xidhiidha in ay kooxda Fenerbahce ku biirtay tartanka saxiixa Marcos Rojo kaas oo ay Man United ku darayso heshiiska Fernandes.

Fernanades ayaa la rumaysan yahay in uu doonayo in uu Man United ku soo biiro suuqa January laakiin labada kooxood ayaan wali ka heshiin qiimaha xiddiga.

Sporting Lisbon ayaa doonaysa lacag dhan 50 Milyan oo euro iyada oo ku kacaysa 65 milyan oo euro marka lagu daro lacagaha gunooyinka ah.

United ayaa dhankeeda doonaysa in ay lacag iyo xiddigo isugu darto Sporting Lisbon iyaga oo u soo bandhigay saxiixa Xiddigaha Goolhaye Joel Pereira, xiddiga khadka dhexe ee Angel Gomes iyod aafaca Marcos Rojo.

Kooxda Sporting Lisbon ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Marcos Rojo laakiin kooxda Fenerbahce ayaa ku soo biirtay tartanka saxiixa xiddiga reer Argentine iyaga oo ku soo jiidanaya mushahar 80 kun todobaadkii sida uu sheegayo wargayska The Sun.

Sporting Lisbon ayaan diyaar u ahayn in ay Fenerbahce kula tartanto mushaharka xiddiga sidaas darteed heshiiska ayaa hakad galay sabab la xidhiidha arintaas.

Dhanka kale wargayska Sport Witness ayaa sheegaya in ay Sporting xiisaynayso saxiixa xiddiga Khadka dhexe kooxda Man United ee Andreas Perier laakiin United ayaa diidan in uu xiddigu ka tago kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*