Halkee La Kala Marayaa Tartanka Gool Dhalinta Horyaalka Premier Leageu, Tartanka Waji Cusub Ayuu Yeeshay.

Tartanka Gool dhalinta horyaalka Premier League ayaa maraya meel xiiso iyo xamaasad leh iyada oo ay ku loolamayaan xiddigo badan oo ka ciyaara tartanka inkasta oo uu Jamie Vardy hogaaminayo horyaalka.

Xiddiga Leicester City ayaa leh 17 gool inkasta oo uu kulamadii ugu dambeeyay ka soomanaa goolasha hadana waxa uu tartanka gool dhalinta ku hogaaminayaa 3 gool oo uu ka horeeyo xiddiga ugu dhaw.

Xiddiga Man United ee Marcus Rashford oo wacdaro la soo baxay ayaa kaalinta 2-aad kaga jirta tartanka kadib markii uu dhaw kulan xidhiidh u dhaliyay goolal.

Waxa sidoo kale la goolal ah Rashford xiddiga kooxda Southampton ee Danny Ings kaas oo laftiisu ka yaabsaday taageerayaasha isaga oo dhaliyay 14 gool ilaa haatan.

Pierre-Emerick Aubameyang oo aan dhankiisa wacdaro yar dhigayn ayaa leh 14 gool iyada oo uu ku xigo xididga Sergio Aguero oo dhaliyay 13 gool ilaa haatan.

Xiddiga chelsea ee Tammy Abraham ayaa ku sii xiga isaga oo dhaliyay 13 gool ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Sadio Mané, Harry Kane Iyo Raheem Sterling ayaa isku goolal ah iyaga oo wada dhaliyay 11 gool halka xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah dhaliyay 10 gool.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Sida loo kala sareeyo tartanka Gool dhalinta prmeier League:

  1. Jamie Vardy (Leicter City): 17 Gool
  2. Marcus Rashford (Man United) 14
  3. Danny Ings (Southampton) 14
  4. Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal) 14
  5. Sergio Agüero (Man City) 13
  6. Tammy Abraham (Chelsea) 13
  7. Sadio Mane (Liverpool) 11
  8. Harry Kane (Tottenham) 11
  9. Raheem Sterling (Man City) 11
  10. Mohamed Salah (Liverpool) 10
  11. Gabriel Jesus (Man City) 9
  12. Teemu Pukki (Norwich) 9
  13. Raúl Jiménez (Wolves) 8
  14. Anthony Martial (Man United) 8
  15. Richarlison (Everton) 8
  16. Dominic Calvert-Lewin (Everton) 8
  17. Chris Wood (Burnley) 8
  18. Kevin De Bruyne (Man City) 7
  19. Riyad Mahrez (Man City) 7
  20. Roberto Firmino (Liverpool) 7

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*