Halka Uu Pablo Mari Ka Gali Karo Shaxda Arsenal, Hal Xiddig Ayuu Booska Kala Baxayaa

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa daafaca Pablo Mari kaas oo ay kula soo wareegtay heshiis amaah ah oo ay dookh u haysato on ay si toos ah ula wareegto xagaaga dambe.

Daafaca reer Spain ee Mari ayaa bartilmaameed u noqday kooxda Arsenal iyo Mikel Arteta kadib markii ay dhaawacyo ku habsadeen xiddigaha kooxda u jooga ee daafaca ka ciyaara.

Kadib markii ay maalmo wadahadalo kula jirtay kooxda Flamengo Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga kaas oo noqday saxiixii ugu horeeyay ee Arsenal.

Mari ayaa dhici karta in uu si toos ah ugu soo boxo shaxda Arsenal isaga oo booska kala bixi kara daafaca David Luiz kaas oo aan qancin kooxda tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray.

Wargayska Express Sport ayaa saadaaliyay halka uu Mari ka gali doono shaxda Arsenal taas oo ah in uu ka garab ciyaari doono Sokratis isaga oo booska ka saaraya daafaca reer Brazil ee David Luis.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*