Halka Uu Bruno Fernandes Ka Gali Karo Shaxda Man United Kadib Markii Ay Man United Xaqiijisay Saxiixa Xiddiga

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay Sporting Lisbon kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Sporting Lisbon isaga oo haatan ku wajahan magaalada Manchester si uu tijaabad caafimaadka ugu maro kooxda Man United.

Man United ayaa u muuqatay kuwo aan helayn saxiixa xiddiga khadka dhexe kadib markii ay diiday in ay bixiyaan lacagta ay Sporting doonayso.

Laakiin Red Devils ayaa ogolaatay in ay kor u qaado dalabkeeda kadib markii ay Barcelona si dhab ah u soo gashay tartanka xiddiga khadka dhexe.

Xalay ayaa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in ay ogolaatay in ay bixiso lacagta ay Sporting Lisbon doonayso in ay ku iibiso xiddiga.

Caawa ayay Red Devils si Rasmi ah u xaqiijisay in ay Sporting Lisbon kala heshiiyeen saxiixa xiddiga reer Portugal.

25 jirkan ayaa shaki la’aan kooxda Man United ku soo dari doona wax ay aad ugu baahantahay oo ah kubad samayn iyo waliba goolal marka loo eego in uu dhaliyay 14 gool sidoo kale caawiye ka noqday 13 kale ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ee gool dhaliyaha ah ayaa ka ciyaari kara No.10 waana booska uu Solskjaer u baahanyahay in uu u helo xiddig caawin kara goolasha.

Shabakada Goal.com ayaa soo saaray halka uu Bruno Fernandes shaxda Man United ka gali doono marka uu ku soo biiro kooxda.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*