Goorma Ayuu Bruno Fernandes Ciyaari Doonaa Kulankiisa Ugu Horeeya Ee Man United?

Xiddiga Bruno Fernandes ayaa kulankiisa ugu horeeya ee Man United ciyaari kara kulanka Wolves ee sabtida hadii ay Man United dhamaystirto subaxnimada jimcaha.

Suuqa January ayaa xidhmi doona 12 habeenimo ee 31 bisha Jnauary sidaas darteed xiddig walba oo ka qayb qaadan kara kulanka todobaadka dambe waa in la diwaan galiyo duhurnimada jimcaha.

United ayaa marti galinaysa Wolves Sabtida iyaga oo ku rajo weyn in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib guuldaradii 2/0 ahayd ee ka soo gaadhay Burnley Premier League.

Fernandes ayaa la filayaa in uu si Rasmi ah ugu biiro Man United ka hor maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga kadib markii ay labada kooxood salaasadii shalay ka heshiiyeen qiimaha xiddiga.

Xiddiga ayaa maanta tijaabada caafimaadka u mari doona Man United si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Man United.

Hadii ay United ku fashilanto in ay diwaan galiso xiddiga wakhtiga loogu tala galay waxa uu Fernandes kulankiisa ugu horeeyay u ciyaari doonaa Man United kulanka Chelsea ee 17 February.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*