Goorma Ayay Man United Tahay In Ay Dhamaystirto Saxiixa Bruno Fernandes Hadii Ay Doonayaan In Uu Ciyaaro Kulanka Ay Ka Hor Tagayaan Liverpool Axada?.

Man United ayaa u muuqata in ay qarka u saaran yihiin saxiixa Xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes laakiin waxa ay u baahanyihiin in ay si deg-deg ah u dhamaystiraan heshiiska hadii ay doonayaan in uu ciyaaro kulanka ay martida u noqonayaan hogaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool Axada.

24 jirkan ayaa dhaliyay 14 gool sidoo kale caawiye ka noqday 13 kale xilli ciyaareedkan waxana uu kooxdiisa ugu ciyaaraa si joogto ah.

Tababare Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa si gaar ah u dalbaday xiddiga kadib dhaawacyadii soo gaadhay xiddigaha Paul Pogba & Scott McTominay.

Xeerka xiddigaha cusub ee premier League ayaa ah in ay dhamaan warqadaha heshiiska la dhamaystiro 12 duhurnimo waakhtiga England ka hor maalinta Kulanka taas oo la macno ah in ay Man United haysato tan ilaa jimcaha 12 duhurnimo si ay u dhamaystirto wax walba oo ku saabsan xiddiga si uu ugu ciyaaro kulanka Liverpool ee Axada.

Fernandes ayaa dhanka kale kooxdiisa u sheegay in uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Man United inta lagu jiro bishan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*