Goolhayihii Hore ee Liverpool Simon Mignolet Oo Ku Digtay Roberto Firmino, Maxay Tahay Sababtu

Simon Mignolet ayaa ku digtay xiddigii hore ee ay Liverpool isaga garab ciyaareen ee Roberto Firmino isaga oo sheegay in uu xiddig ay haatan Club Brugge ka wada ciyaaraan ka fiican yahay xiddiga reer Brazil.

Mignolet oo la hadlaya Laaste Nieuws ayuu yidhi” Marka ay xiddigaha Ruud Vormer & Hans Vanaken gool dhaliyaan tababarka way Qayliyaan waana wax ay kaga duwan yihiin xiddigaha Firmino iyo Salah”.

Mignolet Ayaa la waydiiyay cida fiican xiddigaha ay haatan isku kooxda yihiin iyo xiddigaha Liverpool waxana uu ku jawaabay” Ruud Vormer & Hans Vanaken way fiican yihiin”.

“Firmino iyo Salah waa xiddigo cajiib ah laakiin Firmino ma ahan weeraryahan halis ah dhanka gool dhalinta”

“Xiddigaha Ruun Vormer iyo Hans Vanaken ayaa ka fiican Firmino kaga horeeya marka laga hadlayo dhalinta goolasha”

“Xitaa waxa aan odhan karaa way kaga fiican yihiin Dhanka gool dhalinta”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*