Go’aanka John Stones Ee Ku Aadan Ku Biirista Arsenal Oo La Ogaaday.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee John Stones ayaa si lama filaan ah bartilmaameed ugu noqday kooxda Arsenal kuwaas oo raadinaya xiddig ay daafaca ku xoojiyaan inta lagu jiro bisha January.

Wargayska The Sun Ayaa sheegaya in uu John Stones diyaar u yahay in uu Mikel Arteta kula midoobo kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa January ee bishan.

John Stones ayaa doonaya in uu helo boos joogto ah si uu xulka qaranka England ugala qayb galo tartanka Euro 2020 ee xagaaga soo socda maadama uu tababaraha xulka qaranka England qaadan doono xiddigaha sida joogtada ah u ciyaara.

John Stones ayaa ka baxay qorshaha tababare Pep Guardiola isaga oo inta badan kaydka u fadhiya kooxda kaliyana ciyaara kulamada koobka sida FA Cup-ka iyo League Cup-ka.

25 jirkan ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu Arteta kula biiro kooxda Arsenal hadii ay Man City u ogolaato in uu isaga tago kooxda.

Arsenal ayaa dhankeeda lagu soo waramayaa in ay kaliya xiddiga ku doonayso heshiis amaah ah maadama uuna Arteta haysan lacag uu kula soo saxiixdo xiddigo cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*