Fernandes, Rodrigo, Aubameyang, Wijnaldum, Lemar & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa January kaas oo ay kooxaha reer yurub isku dayi doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdeeda ulana soo saxiixan lahaayeen xiddigo cusub oo ay ku xoojiyaan kooxdooda qayba dambe ee xilli ciyaareedka

Inkasta oo uu suuqa January yahay mid aad u adag oo ayna kooxaha waaweyn suuqa u galin si xoogan hadana waxa la filayaa in ay kooxo badan oo waaweyn xiddigo kala soo wareegaan suuqa January.

Suuqa January ayaa furnaan doona muddo bil ah iyada oo kooxaha reer yuurb dadaal dheeraad ah u gali doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxohooda.

Hadaba kooxda.com oo aad uga barateen wararka suuqa kala iibsiga xiisaha  leh ayaa maalin walba idiin soo gudbin doonta waxa ay wargaysyada adduunka ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararkan laakiin aan ka soo xiganaya wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Barcelona ayaa si lama filaan ah dalab 5 milyan ah uga gudbinaysa daafaca kooxda Southampton ee Cedric Soares (Mail).

Kooxda Chelsea ayaa dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Saxiixa Xiddiga weerarka uga ciyaara Napoli ee Dries Mertens iyada oo wadahadalo kula jirta kooxdiisa Napoli (Sky Italia)

Bruno Fernandes ayaa iska diiday Barcelona isaga oo ka doortay Ku biirista man United (Mirror).

Kooxda Barcelona ayaa gabi ahaan soo afjartay xiisihii ay u qabtay weeraryahanka koxoda Valencia ee Rodrigo sabab la xidhiidha qiimaha ay dalbanaysay Valencia (Standard).

Man United ayaa dhankeeda bartilmaameed ka dhiganaysa weeraryahanka kooxda Valencia ee Maxi Gomez iyaga oo haatanba og in 118 lagu bur-burin karo heshiiskiisa (Cadena Ser).

Kooxda Arsenal ayaa ogol in ay Barcelona ka iibiso xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang laakiin waa hadii ay 50 Milyan miiska saaraan (Express).

Xiddiga Krzysztof Piatek ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Ac Milan kuna biiro Tottenham ka hor inta uuna xidhmin suuqa January (Express).

Tottenham ayaa wadahadalo kula jirta dhanka kale weeraryahanka kooxda Chelsea ee Olivier Giroud (90min).

Kooxda Arsenal ayaa heshiis ku meel gaadh ah la gaadhay kooxda Shakhtar si ay uga hesho daafaca Mykola Matviyenko (Metro).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa qirtay in uuna waxba ka ogayn mustaqbalkiisu meesha uu ku dambayn doono (Talksport).

Bayern Munich ayaa qarka u saaran in ay Arsenal ku garaacdo saxiixa xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Thomas Lemar (Football France).

Tababaraha Real Madrid ee Zidane ayaa sabab u ahaa in uu Christian Eriksen ku soo biiri waayo kooxda Real Madrid (AS).

Chelsea ayaa bartilmaameedkeedka ugu weyn ka dhigatay xiddiga Ben Chilwell & Hakim Ziyech iyaga oo u dhaqaaqi doona xagaaga (ESPN).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*