Ernesto Valverde Oo Qarka U Saaran In Laga Caydhiyo Shaqada Barcelona & 3 Tababare Oo Ugu Cad-Cad In Ay Shaqada Ka Badalaan

Mustaqbalka tababare Erneto Valverde ee kooxda Barcelona ayaa u muuqda mid soo dhamaanaya iyada oo ay baraha bulshada iyo waliba wargaysyada Barcelona ka soo baxa isla dhexmarayaan in uu tababaruhu ka tagayo shaqada kooxda Barcelona saacadaha soo socda.

Valverde ayuu cadaadisku ku sii badnaaday kadib guuldaradii kooxda Barcelona ka soo gaadhay Atletico Madrid ee ka tirsanaa tartanka Spanish Super Cup-ka.

Madaxweynaha Barcelona ayaa maanta Soo xaadiray tababarka kooxda Barcelona sii uu wadahadalo ula qaato tababaraha kooxda ee Ernesto Valverde.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu tababare Valverde sidii caadiga ahayd u hogaamiyay tababarka kooxda kadib wadahadaladii uu la qaatay Madaxweynaha.

Dhanka wargayska Sport ayaa sheegaya in Valverde lagu war galiyay in laga fasaxay shaqada tababaranimo ee kooxda Barcelona lana kansalay heshiiskii uu kula jiray kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay jiraan 3 tababare kuwaas oo ugu cad-cad in ay noqdaan tababaraha cusub ee kooxda Barcelona kuwaas oo kala ah Xavi, Max Allegri iyo Mauricio Pochettino

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*