Eriksen, Pochettino, Dembele, Grealish, Fernandes, Young & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa January kaas oo ay kooxaha reer yurub isku dayi doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdeeda ulana soo saxiixan lahaayeen xiddigo cusub oo ay ku xoojiyaan kooxdooda qayba dambe ee xilli ciyaareedka

Inkasta oo uu suuqa January yahay mid aad u adag oo ayna kooxaha waaweyn suuqa u galin si xoogan hadana waxa la filayaa in ay kooxo badan oo waaweyn xiddigo kala soo wareegaan suuqa January.

Suuqa January ayaa furnaan doona muddo bil ah iyada oo kooxaha reer yuurb dadaal dheeraad ah u gali doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxohooda.

Hadaba kooxda.com oo aad uga barateen wararka suuqa kala iibsiga xiisaha  leh ayaa maalin walba idiin soo gudbin doonta waxa ay wargaysyada adduunka ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararkan laakiin aan ka soo xiganaya wargaysyada ku hor xusan.

Christian Eriksen ayaa ogolaaday heshiis 4 sano ah oo uu ugu biiri doono kooxda Inter Milan xilli ay Labada kooxood ee Inter iyo Tottenham wadahadalo ku jiraan (La Gazzetta dello Sport).

Barcelona ayaa la xidhiidhay tababariii hore ee kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino si ay ugu badasho tababare Ernesto Valverde (Catalan radio station).

Kooxda Chelsea ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddiga daafaca uga ciyaara koxda Brighton ee Lewis Dunk xilli ay Kooxdiisu ku qiimayso 50 milyan oo euro (Times).

Kooxda Man United ayaa diyaarinaysa dalab 65 milyan iyo waliba Guno si ay u hesho saxiixa xiddiga Burno Fernandes kadib markii laga diiday dalab lacag iyo xiddig ah (Mirror).

Kooxda Man United ayaa ka mid ah laba kooxood oo dalab Rasmi ah ka gudbiyay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Birmingham City ee Jude Bellingham (Mirror).

Kooxda Man City ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Aston Villa ee Jack Grealish si ay badal uga dhigto David Silva (Metro).

Daafaca kooxda Arsenal ee Shkodran Mustafi ayaa wadahadalo kula jira kooxda Galatasaray Si uu ugu biiro kooxda suuqa January (Fotomac).

daafaca kooxda Watford ee Christian Kabasele ayaa bartilmaameed u noqday kooxaha Arsenal iyo Man United inta lagu jiro suuqa January (Le10 Sport).

Wararka ka imanaya dalka Portugal ayaa sheegaya in uu Bruno Fernandes ku biiri doono kooxda Man United isla maanta oo Isniin ah (Express).

Kooxda Man United ayaa wali sii wada baacsiga weeraryahanka kooxda Lyon ee Moussa Dembele iyaga oo indha-indheeyayaal u diray xiddiga (Sun).

Man United ayaa xiddiga Ashley Young u sheegtay in loo ogolaan doono in uu ka tago kooxda hadii uu Ole Gunnar sameeyo dhaw saxiix inta lagu jiro bishan (Express).

Jerome Boateng ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxda Arsenal isaga oo ka doortay in uu ku biiro kooxda Ac Milan (Express).

Kooxda Tottenham ayaa qorshaynaysa in ay dalab 65 Milyan ah Man United kaga afduubato saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes (Express).

Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay suuqa Xagaaga u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Ousmane Dembélé iyaga oo haatanba la xidhiidhay wakiilka xiddiga (Sport).

Sii Akhriso: Sababaha Keena In La Dareemo Niyad Jab Kadib Kulanka Sariirta & Qaabka Loo Xalin Karo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*