Christian Eriksen Oo Durba Noqday Xiddiga Ugu Qiimaha Badan Serie A-da, Ronaldo & Lukaku Ayuu Ku Garaacay

Xiddiga cusub ee khadka dhexe ee kooxda Inter Milan Christian Eriksen ayaa durba noqday xiddiga ugu qiimaha badan Horyaalka Serie A-da inkasta oo uuna wali wax kulan ah u ciyaarin kooxdiisa Cusub.

Xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen ayaa shalay noqday xiddig Inter Milan ah kadib markii uu kaga biiray kooxda Tottenham kadib markii uu 20 milyan oo euro ugu biiray kooxda reer Italy.

Inkasta oo uuna wax kulan ah u ciyaarin hadana Christian Eriksen Ayaa noqday xiddiga ugu qiimaha badan Serie A-da isaga oo ku fadhiya lacag dhan 81 milyan oo euro marka laga hadlayo qiimaha Suuqa kala iibsiga.

Christian Eriksen oo kaliya maalmo yar joogay Serie A-da ayaa durba xiddiga ugu qiimaha badan Serie A-da ku garaacay xiddigaha Cristiano Ronaldo, Romelu Lukaku, Paulo Dybala & waliba xiddigo kale oo badan.

 Serie A's top ten most valuable players according to Transfermarkt data

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*