Bruno Fernandes Oo Doonaya In Uu Ku Biiro Koox Kale Oo Aan Man United Ahayn, Kooxda Ay Tahay & Sababta Oo La Ogaaday.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon ayaa lagu soo waramayaa in uu haatan doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid sida ay sheegayaan wararku.

Tan ilaa bilowgii suuqa Jaunaury Fernandes ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Man United isaga oo xitaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man United.

Laakiin labada kooxood ayaa ku heshiin waayay qiimaha xiddiga taas oo keentay in uu heshiisku daba jiitamo waliba ilaa haatan la dhamaystiri laayahay.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in uu Fernandes doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid sabab la xidhiidha in uu si weyn uga xanaaqay dadaalka Man United ku doonayso saxiixiisa.

Xiddiga ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu xagaaga dambe ku biiro kooxa Real Madrid hadii uu bishan ku biiri waayo kooxda Man United

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*