beIN SPORTS: Barcelona Oo Shaqada Ka Caydhisay Ernesto Valvede

Shabakada caalamiga ah ee beIN SPORTS ayaa sheegaysa in ay Barcelona shaqada caydhisay tababare Ernesto Valverde kadib markii ay kooxdu ka hadhay tartanka Spanish Super Cup kadib guuldaro ay kala kulantay Atletico Madrid.

Valverde ayaa macasalaameeyay xiddigaha iyo shaqaalaha kooxda maanta oo Isniin ah kadib markii ay kooxdu ku war galisa in aanu tababare u ahayn kooxda wixii haatan ka dambeeya isaga oo haatanba Alaabtiisa ka qaatay qolka Labiska.

Markan ayaa noqon doonta markii ugu horaysay ee ay Barcelona shaqada ka caydhiso tababare bartamaha xilli ciyaareedka tan ilaa 2003 markaas oo ay Louis Van Gaal Caydhiyeen kadib markii ay 20 dhibcood ka dambeeyeen kooxda Real Sociedad ka hor inta ayna xilli ciyaareedkaas ku dhamaysan kaalinta 6-aad.

Barcelona ayaa daalaa dhacaysay bilihii ugu dambeeyay iyada oo kooxdu la kulantay guuldarooyin niyad jab leh taas oo keentay in ay maamulka kooxdu go’aanka qaataan.

Waxa haatan lala xidhiidhinayaa 3 tababare kuwaas oo ay u badantahay in uu midkood noqon doono tababaraha cusub ee kooxda kuwaas oo kala Xavi, Max Allegri iyo Mauricio Pochettino

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*