Barkley, Eriksen, Cavani, Kurzawa, Mbappe, Pogba & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa January kaas oo ay kooxaha reer yurub isku dayi doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxdeeda ulana soo saxiixan lahaayeen xiddigo cusub oo ay ku xoojiyaan kooxdooda qayba dambe ee xilli ciyaareedka

Inkasta oo uu suuqa January yahay mid aad u adag oo ayna kooxaha waaweyn suuqa u galin si xoogan hadana waxa la filayaa in ay kooxo badan oo waaweyn xiddigo kala soo wareegaan suuqa January.

Suuqa January ayaa furnaan doona muddo bil ah iyada oo kooxaha reer yuurb dadaal dheeraad ah u gali doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxohooda.

Hadaba kooxda.com oo aad uga barateen wararka suuqa kala iibsiga xiisaha  leh ayaa maalin walba idiin soo gudbin doonta waxa ay wargaysyada adduunka ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararkan laakiin aan ka soo xiganaya wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Chelsea ayaa diiday in ay N’Golo Kante ka iibiso Kooxda Real Madird marka la gaadho suuqa Xagaaga dambe (El Desmarque).

Kooxda Man United ayaa dhamaystiri doonta saxiixa xiddigo kale marka ay k dhawaaqdo saxiixa Bruno Fernanades (Express).

Paul Pogba ayaa laga yaabaa in uu isaga tago kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan (Sky Sport).

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u diiday in ay iibiso xiddiga Xherdan Shaqiri inta lagu jiro suuqa January (Mirror).

Tababarihii hore ee kooxda Tottenham Mauricio Pochettino ayaa sheegay in uu ku soo laaban doono premier League mustaqbalka dhaw (Express).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa Niyad ka jabiyay Liverpool isaga oo qirtay in uu doonayo in uu ku biiro Real Madrid (ESPN).

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo la furtay kooxda PSG kuwaas oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga daafaca bidix ee Layvin Kurzawa (Sun).

Maamulka Kooxda chelsea ayaa doonaya in ay la soo saxiixdaan xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho (Express).

Real Madrid ayaa Ajax kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Donny Van de Beek (Express).

Kooxda West Ham ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea ee Ross Barkley (Mirror).

Kooxda Inter Milan ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga Christian Eriksen kadib markii ay heshiiska shaqsiga ah la gaadheen (Calciomercato).

Kooxda Atletico Madrid ayaa laga diiday 20 milyan oo ay ku dalbatay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Edinson Cavani (Marca).

Kooxda Liverpool ayaa rikoodhkeeda suuqa u jabinaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayer Leverkusen ee Kai Havertz (Mundo Deportivo).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa sheegay in uuna ka tagi doonin kooxda Arsenal ilaa dhamaadka heshiiskiisa (Mirror).

Kooxda Tottenham ayaa tartan kala kulmaysa kooxda Seviila kaas oo ku aadan saxiixa weeraryahanka kooxda Ac Milan ee Krzysztof Piatek (Mail).

Ashley Young ayaa u sheegay kooxdiisa Man United in uuna mar dambe u ciyaari doonin kooxda ilaa inta ay u ogolaanayso in uu ku biiro kooxda Inter Milan bishan (Sun).

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay heshiis amaah ah kula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Marcos Llorente (Manchester Evening News).

Barcelona ayaa ku dhaw in ay 7 milyan kula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee kooxda Palmeiras ee Matheus Fernandes (Mundo Deportivo).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*