Barcelona Oo War Fiican Heshay Ka Hor Kulanka Granada, Maxaa Soo Kordhay?

Kooxda Barcelona ayaa war fiican ka heshay tababarkii maanta oo Khamiis ah kooxduna isku diyaarinaysay kulanka Granada ee horyaalka La Liga ee dhici doona Axada.

Tababare Quique Setien ayaa xiddigaha kooxda siiyay laba tababar oo subaxdii iyo galabtii ah si uu u diyaariyo xiddigaha kooxda isaga oo arintaas ku wadi doona ilaa Sabtida ka hor inta uuna soo saarin liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono Granada.

Kooxda Barcelona ayaa kaalinta 1-aad kaga jirta horyaalka La Liga iyaga oo goolal kaga horeeya kooxda Real Madrid oo ay isku dhibco yihiin.

Goolhaye Marc-André ter Stegen iyo waliba xiddiga khadka dhexe ee Arthur Melo ayaa si buuxda ugu soo laabtay tababrka kooxda Barcelona iyaga oo diyaar u ah in ay ciyaaraan kulanka Granada ee horyaalka.

Warkan ayaa u fiican Tababare Quique Setien kaas oo doonaya in uu guul ku bilowday horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*