Barcelona Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaw Saxiixa Edison Cavani Kadib Dhaawacii Luis Suarez

Kooxda Barcelona ayaa si lama filaan ah ugu soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Edison Cavani kaas oo ay doonayaan saxiixiisa inta lagu jiro suuqa January.

Wargayska Le10Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona u dhaqaaqday saxiixa Cavani iyaga oo la xidhiidhay Wakiilka xiddiga reer Uruguay si ay u helaan saxiixiisa.

Barcelona ayaa u dhaqaaqaysa saxiixa Cavani kadib dhaawacii Luis Suarez kaas oo maray qaliin uu garoomada ugaga maqnaan doono muddo 4 bilood ah.

Suarez ayaa lagu sameeyay qaliin Axadii waxana ay kooxda Barcelona xaqiijisay in uu Xiddigu garoomada ka maqnaan doono garoomada muddo 4 bilood ah.

Sidaas darteed Barcelona ayaa diyaar u ah in ay la soo saxiixato Cavani si ay ugu buuxiso booska xiddiga ay isku dalka yihiin qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*