Barcelona Oo Heshay Xiddig Arsenal Jooga Oo Ka Caawin Kara Saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang

Kooxda Barcelona ayaa ku rajo weyn in qaab ciyaareedka cajiibka ah ee da’yarka Gabriel Martinelli uu Arsenal ku qancin doono ka iibiyaan xidiga Pierre-Emerick Aubameyang inta lagu jiro bishan January.

Barcelona ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang iyaga oo doonaya in ay helaan saxiixiisa ka hor inta uuna xidhmin suuqa January sida uu sheegayo wargayska The Telegraph.

Kooxda Barcelona ayaa Pierre-Emerick Aubameyang u doonaysa badalka Luis Suarez kaas oo dhaawac uga maqnaan doona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona ku rajo weyntahay in Ay Arsenal ku kalsoonaan doonto xiddiga Martinelli una ogolaato saxiixa xiddiga Aubameyang.

Martinelli ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 10 gool oo tartamada oo dhan ah waxana ay rajaynayaa in qaab ciyaareedka da’yarku in uu Arsenal ku qanciyo in ay ka iibiso saxiixa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*