Barcelona Oo Haatanba Doortay Badalka Ernesto Valverde Kaas Oo Laga Caydhiyay Shaqada Kooxda.

Kooxda Barcelona ayaa tababare Quique Setien u doortay in uu shaqada kooxda ka badalo tababare Ernesto Valverde sid uu sheegayo wargayska MARCA.

Maamulka Kooxda Barcelona ayaa isku raacay in uu tababaraha 61 jirka ah noqdo tababaraha cusub ee kooxda Barcelona iyada oo kooxdu haatanba xidhiidh la samaysay tababaraha.

Quique Setien oo laga caydhiyay shaqada kooxda Real Betis ayaa shaqada ka badali doona Valverde oo dhankiisa laga caawiyay shaqada Barcelona.

Valverde ayaa saaka hogaamiyay tababarkii ugu dambeeyay ee kooxda ka hor inta uuna madaxweynaha Barcelona ee Josip Maria Bartomeu ku war galin in ay soo dhamaatay shaqadii uu kooxda u hayay.

Kadib wadahadalo xasaasi ah oo dhexmaray maamulka kooxda tababare Quique Setien ayaa loo doortay in uu hogaamiyo kooxda ilaa bisha June.

Ma jiraan wax warbixin ah oo laga soo saaray heshiiska laakiin wargayska ayaa sheegaya in ayna wax dhibaato ah ka filayn dhamaystirka heshiiska iyada oo uu wakiilka Quique Setien haatanba ku sugan yahay Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*