Atletico Madrid Oo Arsenal U Ogolaanaysa Saxiixa Thomas Lemar Laakiin Qorshe Kale Ayay Ka Wadataa.

Atletico Madrid ayaa lagus oo waramayaa in ay Arsenal u ogolaanayso in ay hesho saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Thomas Lemar inta lagu jiro suuqa January laakiin ay dhankooda ka doonayso weeraryahanka Alexandre Lacazette sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal ayaa muddo dheer xiiso u qabtay saxiixa Lemar iyaga oo saxiixiisa doonayay xitaa ka hor intii uuna ku biirin Atletico Madrid.

Atletico ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan ay ku xoojiso kooxdeeda waxana ay doonaysaa saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid kooxda Mikel Arteta miiska u saari doonto ixddiga Thomas Lemar si ay u hesho saxiixa xiddiga reer France ee Alexandre Lacazette.

Lemar ayaa ku dhibaatoonaya in uu boos joogto ah ka helo kooxda Atletico tan ilaa markii uu 63 milyan ugu soo biiray xagaagii 2018 waxana uu 24 jirku kaliya ku bilowday 9 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkan.

Kooxaha Tottenham, Chelsea iyo Wolves ayaa dhanka kale lala xidhiidhinayaa laakiin Atletico ayaa doonaysa in uu xiddigu ku biiro Arsenal si ay dhankooda u helaan Lacazette.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*