Arsenal Oo Wadahadalo Rasmi Ah La Furtay PSG & Xiddiga Ay Ka Doonayaan Oo La Ogaaday.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo Rasmi ah la furtay kooxda PSG si ay uga helaan saxiixa daafaca Bidix ee Layvin Kurzawa sida ay sheegayaan wararku.

Layvin Kurzawa ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda PSG waxana uu si xor ah uga tagi karaa kooxda reer France dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin Arsenal ayaa doonaysa in ay hesho saxiixiisa bishan.

Wararka ka imanaya dalka france ayaa sheegaya in ay sidoo kale Gunners haatanba la hadashay wakiilka xiddiga Layvin Kurzaw iyaga oo u soo bandhigay heshiis 5 sano ah kadib markii uu Mikel Arteta u sheegay kooxdiisa in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga

Layvin Kurzawa ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhamaado heshiiskiisu laakiin Arsenal ayaa doonaysa in ay saxiixiisa hesho inta lagu jiro bishan sida uu sheegayo wargayska RMC Sports.

Gunners ayaa xagaagii 25 milyan oo euro kula soo saxiixatay daafaca Kieran Tierney laakiin 22 jirka ayaa dhaawac garabka ah uga maqan kooxda iyada oo aan la ogayn wakhti uu soo laaban doono.

Arsenal ayaa doonaysa in ay si deg-deg ah u dhamaystirtosaxiixa xiddiga Kurzawa si ay saxiixiisa ugu garaacdo kooxaha chelsea iyo West Ham sida uu sheegayo wargayska The Sun.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*